Baarlamaanka Fedaraalka Oo Soo Gabagabeeyey Dhegeysiga Khudabadaha Musharaxiinta Gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaanadda aqalka sare ee Barlamaanka fedederaalka ayaa dhagaystay khudbadaha 10 Musharax oo u tartamaya Guddoomiyaha iyo gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya kuwasoo kudbado ay kaga hadlayaan taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkooda ay ka hor jeediyeen xildhibaanadda.

Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) , xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig  iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtaroo ka mid ah  murashixiinta oo ugu horrayn ka warbixiyay waxyaabaha u qorshaysan, iyago oo tilmaamay aqoonta ay u leeyihiin gollaha shacabka iyo sida ay u hoggaamin doonaan haddii la doorto, waxayna ballan qaadeen  hadii xilka loo doorto inay si daacad ah ugu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ah guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo khudbad u jeediyay xildhibaanada ayaa  ka codsanayo xildhibaanada inay u tixgaliyaan aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay maamulka baarlamaanka maadaama uu soo maamulayay afartii sano ee la soo dhaafay.

Dhinac kale, Waxaa sidoo kale khubadahoodii murashaxnimadii ka hor jeediyay barlamaanka lix xildhibaan oo u tartamaya guddoomiye K/xigeenka barlamaanka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen taarikh nololeedkooda, khibaradooda iyo waayo-aragnimadood, iyagoo  xildhibaanadda u faahfaahiyay sababta ay tahay in loogu doorto guddoomiye k/xigeenka gollaha Shacabka.

Maalinta Berita ah ayaa waxa loo balansanyahay in la dhegeysto Musharaxiinta Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo ay u tartamayaan 11 musharax, iyadoo lagu wado in isla bishan 11-keeda oo ah maalinta Arbacada la doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran