Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Bilaabaya Dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta Gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa iney bilaabaan Dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan Musharixiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.

Sida ku cad Jadwalka Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ee ay soo saareen Gudiga Qaban-qaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka waxaa Maanta oo Axad ah Taariikhdune ku beegan tahay 8-1-2017 Xarunta Golaha shacabka ka bilaabanaysa Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta.

Gudoomiyaha Gudiga Qaban-Qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka & ku Xigeenadiisa ayaa ballan ku qaaday ineysan Doorashada dib uga dhici doonin waqtiga loo qabtay oo ah 11ka ilaa 12ka bishan January.

Maalinimadii shalay ee aan soo dhaafnay ayaa Gudiga doorashada Gudoonka Baarlamaanka waxa ay soo saareen Liiska Musharaxiinta is diiwaan geliyey ee u taagan tartanka doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa koowaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran