Faafaahin Dil Saacadihii Ugu Dambeeyey Magaalada Marka Loogu Geystay Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka

Wararka ka imaanay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay magaalada gudaheeda lagu toogtay wiil dhalin yara ah.

Dilka oo ka dhacay Xaafada Sheekh Abroone ee magaalada Marka ayaa waxay faafaafhinno dheeraad ah kasoo baxayaan qaabka uu u dhacay dilka, wararka ay heleyso Markacadey ayaa sheegaya in dilka uu dhacay xilli Wiilkan uu ku sugnaa albaabka hoygiisa.

Wiilka la dilay oo lagu mgacaabo Mahad Nuur Sabriye ayaa la sheegayaa in magaalada Marka uu joogay muddo seddax maalmood ah oo uu ka yimid magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa loo adeegsaday Bistoolad iyo Qori AK47 ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka marka hore lagu dhuftay Xabad Bislood laga tuuray, hase haatee u ka baxsaday dableyda ka dibna ay ku fureen rasaas ay ka tuureen qori AK ah.

Ehelada Marxuum Mahad Nuur Sabriye ayaa sheegay in aanay garaneyn sababta wiilkooda loo dilay, waxaana ay sheegeen in ay ka xunyihiin wiilkooda oo maalmo nasasha ah u joogay Gurigii uu kusoo barabaaray Nolosha la dhaafio.

Dilalka iyo dhibaateynta Shacabaka ayaa joogta ka ah xaafadaha tirada yar ee ay xooga ku joogaan Mooryaanta Habar gidir iyo isbaheysigooda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open