Gabar Wariye Ah Oo K Guleystay Mid Ka Mid Ah Kuraasta Aqalka Sare Oo Si Weyn Looga Hadal Haayo Baraha Bulshada

Muno Cumar Xasan oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta Dowlada ayaa maanta loo doortay Xildhibaanada aqalka sare ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Gabadhan ayaa ka guuleysatay Gabar kale oo kula tartameysay kursiga Xildhibaannimo ee Beelaha Waqooyi, waxaana Muno codadka la dhiibtay ay ka heshay codad gaaraya ilaa 32-cod.

Gabadhan oo horey uga soo shaqeysay Telefeshinkii iyo Idaacaddii Horna afriik ee magaalada Muqdisho ayaa hada u shaqeeneysay Telefeshinka ku hadla Afka Dowlada iyadoo ugu dambeyn maanta ku biirtay xildhibaanada Baarlamaanka.

Gudiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay guusha raacday, waxaana maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada Xildhibaanada Beelaha Waqooyi ee aqalka sare oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka taagnaa muran xaga saami qeybsiga ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran