Gudoomiyaha Deegaanka Ceelwareegow Oo Maanta Booqday Furimaha Ciidanka Ayaa Sheegay Inay Qaadayaan Dagaalo Lagu Xoreenayo Deegaanada Ay Xoogga Ku Joogaan Maleeshiyada Alshabaab (Sawiro)

Gudoomiyaha Deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelada hoose Mudane Carabow Cali Qaraale ayaa war kasoo saaray dagaalada lagula jiro Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Gudoomiye Carabow oo maanta booqday fariisimiyaal Ciidan oo ku yaala magaalada Marka iyo duleedyada ayaa sheegay inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ay ku doonayaan inay dib ula wareegaan deegaano dhowr ah oo ay shacabka ku dhibaateeyaan Maleeshiyada Alshabaab iyo isbaheysigooda Mooryaanta Habargidir.

Mar uu ka hadlayaayey dhibaatada xilliyada qaraa ay la kulmaan shacabka ayuu ku tilmaamay mid laga dul qaadi doono, isagoo maleeshiyada kooxda Alshabaab ku eedeeyey kuwo baneystay dhiiga Shacabka iyo hantidooda.

Wuxuu ugu baaqay guud ahaan Shacabka ku dhibtoonaya deegaanada ay haraadiga ku yihiin Shabaab inay sabraan dhawaanna laga dul qaadi doono dhibaatada, isagoo ku daray hadalkiisa in Gobolka Shabeelada hoose ay maamulanayaan dadkii u dhashay ee xaqa u lahaa.

Gudoomiyaha Deegaan weynaha Ceelwareegow Carabow Cali dhinaca kale waxa uu tilmamay in dhawaan Ciidamada difaaca deegaanka dib loogu celin doono deegaanka Ceelwareegow si ay usii wadaan howlgalkooda.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE