Wasiir Maclin Bare “Shariif Xasan Madaxweyne Maahan, Golaha Wasiirada Sharci Kuma Dhisna, Kut-lad Dadka Dhiigooda Cabta Ayaa Baydhabo Ka Dhisan” (Video)

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Maamulka K/galbeed Soomaaliya  Macalin Bare oo maanta ka qeyb galay kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Shariif Xasan ayuu kaga waramaya sharci darada uu ku dhisanyahay Maamulkooda.

Macalin Bare ayaa ugu horeyn sheegay in Shariif Xasan aanu sheegan karin Madaxweyne sida uu qabo dastuurka K/galbeed oo dhigaya in Madaxweynaha aanu qaban karin shaqa kale hadii taasi ay dhacdana uu xilka ka degayo, isagoo intaa raaciyey in Shariif Xasan aan lagu qaldamin maadaama uusan aheyn Madaxweyne sharci ku dhisan.

“Waxaan baaq usoo jeedinaa Wasiirada K/galbeed oo aniga ka tirsanahay wax Wasiiro ah oo jira malahan, wasiir k/galbeed ka jiro ma jirto inta sheegaheesa ee joogtana waxaan ka codsananaa inay iscasilaan, maadaama dalka iyo dadka aan waxba loo haaynin oo xukunkii aan ku fashilannay oo dhibaato aan u geysanay dadka oo lacagtii canshuurta laga aruuriyey qaarkeena ay xareysteen, gurya ay ku dhisteen, hoteelo lagu degenyahay wax Wasiiro oo jira malahan, waxaan usoo jeedinaa intay sharaf leeyihiin ay yiraahdaan xilkii wasiirnimo waan iska casilnay” ayuu yiri Maclin Bare.

Wasiirka ayaa baaq u direy Odayaal dhawaan shir yeeshay oo taageero u muujiyey hogaamiye Shariif Xasan kuwaas oo isla shirkooda ku sheegay in dalka aanay ka jirin wax Abaar, wuxuu ugu baaqay inay ka towbad keenaan beenta ay sheegeen maadaama deeganada Koonfur galbeed ay saameyn xoog leh ku yeesheen Abaaraha jira.

Dhinac kale waxa uu ka hadlay eedeymaha loosoo jeeninayo ee ku aadan dhaliilaha ay u jeediyeen hogaanka Maamulka K/galbeed, laguna tilmamay kuwo dano gaar ah ka leh qeyla dhaanta ay wadaan ayuu tilmamaay Wasiir Bare in ay ka danqadeen dhibaatada Shacabka iyo hogaan xumida Maamulka Baydhaba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open