Wasiiro Iyo Xildhibaano Shir Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho Ayaa Soo Bandhigay Cadaalada Darada Iyo Ku Takri Falka Shariif Xasan (Video)

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si xoogan u dhaliilay hogaamiye Shariif Xasan oo ku caan baxay musuqmaasuq, cadaalad daro, ku tagri fal awoodeed iyo xil gudasho la’aan.

Mudanayaasha halkaasi ka hadlay ayaa Shariif ku weeraray sifaadka hogaamiye xumo ee ku sifoobay tan iyo markii uu qabtay xilka hogaanka K/galbeed, waxaana ay ku baaqeen in aan la aqbalin Musharaxnimada uu ku dhawaaqay ee doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaanada iyo Wasiirada ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed in uu qabto kulan deg deg ah oo ay Mooshin uga soo gudbinayaan Shariif Xasan oo curyaamiyey Maamulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open