Baarlamaanka Fedaraalka Oo Maanta Dhageysan Doona Khudbadaha Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee U Tartamaya Doorashada

Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeelan doonaan Baarlamaanka Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay khudabdo ka jeediyaan Musharaxiinta u tartameysa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Gudoonka Baarlamaanka.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa shalay khudbado ka dhageystay musharaxiinta u taagan tartanka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa koowaad, waxaana maanta la dhageysan doonaa ku xigeenada Labaad.

Maanta ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tartameysa Gudooomiyaha iyo ku xigeenadiisa, waxaana laba maalmood ka dib la guda gali doonaa doorahada Gudoonka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran