Dhageyso Maamulka Gobolka Mudug Ee Puntland Ayaa Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Wadaan

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Goboleedka Puntland ayaa war uu siiyey warbaahinta ku sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku raadinayaan kooxo dadka dhibaateeya.

Maxamed Ciise Warsame Gudoomiye ku xigeenka Mudug ayaa tilmaamay in howlgalladan ay sameeyaan xilliyada habeenkii lagu baadi goobayo kooxo burcad ah oo dadka u geysta dhibaato, kuwaas oo uu ku sheegay kuwo mudan in laga qabto bulshada reer Gaalkacyo.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in howlgallada ay ku raadinayaan dadka wata baabuurta leh Muraaydaha Madow, isagoo sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko ayadoo Gawaarida muraayadaha Madow ku dhex wadata Magaalada Gaalkacyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran