Dhageyso Siyaasiga Salaad Cali Jeelle Oo Sheegay In Uu Ka Haray Isu Soo Taagidda Musharaxnimada Xilka Madaxweynaha

Siyaasiga Soomaaliyeed Salaad Cali Jeelle oo u taagnaa ka mid noqoshada musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha ayaa sheegay in arintaas uu go’aan ka qaatay.

Salaad Cali Jaale ayaa sheegay markii hore in uu ku tala jirey badbaadinta Umada Soomaaliyeed oo uu isku arkay in uu yahay shakhsi samata bixin kara Shacabka hase ahaatee markuu arkay ayuu sheegay sida ay ku yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka uu ku fakaray in uu tanaasulay.

Waxa uu ku eedeeyey Madaxda talada haaysa iyo kooxda Damul-jadiid oo musuq iyo wax isdaba marin kusoo saaray xildhibaano badan si markale ay usoo doortaan intii kooxdaas ay jirto ayuu cadeeyey in aanu ka qeyb gali karin tartanka doorashada.

Siyaasigan Soomaaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed u sheegay in uu ku tala jirey qaban qaabada xaflad weyn oo uu ku shaacinayo Mushraxnimadiisa, laakiin xaalada dalka uu marayo oo ay u horseedeen kooxda Xasan Sheekh ay xaalada kusii adkeysay.

Waa siyaasigii labaad ee u taagnaa tartnak Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo inta aan la gaarin tartanka shaaciya in uu tanaasulay sababo musuq iyo boob hantiyadeed oo ay ku kaceen Madaxda xilligan talada dalka haaysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE