Gaari Ciidamada Dowladda Leeyihiin Oo Isgoyska Dabka Ku Jiiray Gawaarida Shacabka Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay shil  uu sababay gaari weyn oo nooca ciidanka qaado ah oo isagoo cararaayo dardaray/jiiray gawaari yaryar oo ay wateen dadka shacabka ah ee wadadaas adeegsado.

Waxaa jiro  khasaaro soo gaaray dad shacab ah iyo hantidooda taas oo ilaa hadda aan la ogeynin inta ay gaarsiisan tahay.

Iyadoo wadooyinnka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwoo aad u yaryar isla markaasina aan haysanin dayactir ku filan ayaa waxay gaadiidleyda iyo dadka shacabkaba qaati ka taagan yihiin Gawaarida ciidanka dowladda oo si aan waafaqsaneynin sharciyada wadooyinka ku maro jidadka Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran