Haweeney Soomaaliyeed Oo Meydkeeda Laga Helay Xadka Ay Wadaagaan Bulgeeriya Iyo Turkiga

War lagu daabacay wargeys  ka soo baxa dalka Bulgaariya ayaa saake daabacay in Gabar Soomaali ah meeydkeeda laga helay tuullo lugu Magacaabo Ravadinovo, Tuuladan oo ah tuullo ku taala xadka Bulgaariya la wadaago wadanka Turkiga.

Gabadhan Soomaalida ah ayaa sida wararku sheegayaan u geeriyootay qabowga iyo cimiladda daran ee ka jira xilliyda qaar Wadamada Bariga Yurub, iyadoo oo isku dayeeysay ineey u soo gudabto Yurubta bari kana soo taloowday wadanka Turkiga.

Mid ka mid ah qaxootigii ay gabadhan wada tahriibayeen oo iskugu jiray Soomaali, BakIstaaaniyiin iyo Afgaanistaaniyiin ayaa sheegay in Gabadhaasi ay ka soo tageen ka dib markii ay awoodi weeysay ineey sii socoto.

Sidoo kale waxa jira wiil Soomaali oo muhaajiriintaas ka mid ahaa ayaa isagan ku xanuunsaday cimilada xun ee safarka ay kala kulmeen, waxaana hada lugu hayaa isbitaal ku yaala tuuladaasi oo qaboow xun galay.

Waa markii ugu horeeysay ee qof Soomaali ah qabow ugu dhinto mid ka mid ah wadamada ku yaala Yurubta Bari, Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ka soo cararay sababo amaamn darro iyo xasilooni siyaasadeed, ayaa siyaabo kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open