Madaxweynaha C/weli Gaas Oo Saake Ku Wajahan Deegaanada Ee Lagu Xoreeyey Kooxda Daacsiah

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C.weli Maxamed Cali Gaas ayaa saake u safraya deegaanadii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey dagaalyahaanada Kooxda Daacish.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa lagu daadiyey dhamaan xeebaha Bari ee Gobolka Bari, si ay u sugaan amaanka Madaxda halkaasi gaareysa.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegayaa in uu booqan doono Degmada Qandala iyo deegano ku xeeran kuwaas oo dhawaan laga saaray maleeshiyada taabacssan wadaadka lagu magacaabo Cabdiqaadir Muumin oo la magac baxay Daacisha.

Waxa la filayaa in C.weli Maxamed Cali Gaas uu degmada Qandalaka jeediyo qudbad taariikhi ah oo uu kaga hadlayo la dagaalnka kooxaha argagaxisada iyo kuwo kasoo horjeeda Nabada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open