Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle Oo Kulan Casha Sharaf Ah La Qaataay Xildhibaanada Laga Soo Doortay Maamulka Hirshabelle (Sawiro)

Musharax Madaxweyne Jabriile Ibraahim Cabdulle ayaa xalay casha sharaf la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Maamul Goboleedka Hirshabelle.

Kulanka oo ay joogeen inta badan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka ayaa Musharax Jabriil waxa uu kaga sheekeeyey hamigiisa siyaasadeed iyo rajada uu ka leeyahay inuu ku guuleyso doorashada ka dhici doonta dalka.

Xildhibaanada laga soo doortay Hirshabelle ayaa soo dhaweeyey kulanka cashada ah ee ay la qaataan Mushrax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle oo loo arko shakhsiyaadka looga cabsi qabo ku guuleysiga doorashada ka dhici doonta dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka socda kulamo musharaxiinta ay la qaadanayaan xildhibaanada laga soo doortay Maamul Goboleedyda dalka ka jira, waxaana musharaxiinta ay xusul duub ugu jiraan sidii ay ku hanan lahaayeen kalsoonida xilhdibaanada.

Ja

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE