Deg Deg Baarlamaanka Galmudug Oo Xilka Ka Xayuubiyey Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed (Sawiro)

Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo shir ku yeeshay hool ku yaalla magaalada Cadaado ayaa xilkii ka qaaday Madaxweynaha Maamulkaasi C.kariin Xuseen Guuleed.

Kulanka Baarlamaanka oo ay soo xaadireen xildhibaano gaaraya ilaa 54 Mudane ayaa codkii kalsoonida kala laabtay Madaxweynaha, waxaana shirka shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Ajandaha shirka oo ahaa xil ka qaadista C/kariin Guuleed ayaa xildhibaanada dhamaan waxay u codeeyeen in xilka laga qaado Madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan.

Ciidamada ku sugan Magaalada Cadaado oo saake aroortii isku gadaamay guriga Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa hakin waayey kulanka Baarlamaanka ee maanta, iyadoo xildhibanaada ay sheegeen in kulankooda uu u dhacay si loogu talagalay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran