Dhageyso Madaxweyne C/weli Gaas Oo Faafaahin Ka Bixiyey Safarkii Uu Ku Tagay Magaalada Qandala

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo  Booqasho ku tagay Magaalada Qandala Ayaa faah faahin ka baxshay wixii uu ku soo arkay Magaaladasi qadiimig ah.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Gaas in Qandala ay noqotay Meel ay ku dagaalameen Kooxda Daacish iyo Ciidamada Difaaca Puntland hase ahaatee Hada si buuxda gacanta ugu jirta Maamulkiisa waxaase uu murugo ka muujiyay sida ay daacish ula dhaqantay dadkii joogay intii Magaalada ay gacanta ku hayeen.

Isagoo hoosta ka xariiqay inay bur buriyeen Goobihii caafimaadka xarumihii wax barashada iyo Ceel Biyoodyadii oo Matoorada ay ka qarxiyeen iyo qaar kamid ah Ceelaasha oo ay aaseen, isagoo intaa ku daray in hada magaalada ay tahay mid amaankeeda la xaqiijiyay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran