Diyaar Garowga Doorashada Iyo Kala Iibsiga Xildhibaanada Oo Meeshii Ugu Sareysay Gaartay

Magaalada Muqdisho waxa maalinta berita ah lagu wadaa in lagu qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlaanka Fedaraalka iyo Ku xigeenadiisa.

Sida uu sheegay Gudiga doorashada Gudoonka Baarlamaanka, doorashada waxa ku tartamaya ilaa fara musharax, halka maalinta berita ah la qabanayo tartanka Gudoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad.

Doorashada Gudoomiyaha oo loo arkayo mid aad xasaasi u ah maadaama ay kala go’aamin doonto cidda kusoo baxeysa Tartanka Madaxtinmada Soomaaliya ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalada Muqdisho.

Iyadoo la saadaalinayo in tartanka ugu adag uu dhex mari doono labada xildhibaan ee lagu kala magacaabo C/rashiid Maxamed Maxamed Xidig iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo midkood loosaadaalinayo in uu tartanka kusoo baxo.

Kala iibsiga Xildhibaanada iyo kala jiidashadooda ayaa ka socota hoteelada ay degenyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka ee maaLinta berita ah dhiiban doona Codadka.

Inkastoo aan la ogeyn qiimaha lagu iibsanyo Codadka xildhibaanada ayaa hadana waxa lasoo wariyey in uu maraayo qiima aad u sareeya, iyadoo musharaxiinta u tartamaya Gudoonka Baarlamaanka ay kala wataan qaar ka mid ah Musraxaiinta Madaxeynaha.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open