Jaaliyadda Beesha Biimaal Ee Qaarada Yurub Oo Kulan Isugu Yimid Iskana Xog Wareystay Xaalada Deegaanada Ay Kasoo Jeedaan

Jaaliyadda Beesha Biimaal ee ku nool Qaarada Yurub ayaa kulan isugu yimid, waxaana ay iska xog wereysteen xaaladda nololeed ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay kasoo jeedaan.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Istokhlom ee dalka Sweden ayaa waxa ka qeyb galay inta badan Jaaliyadda Beesha ee ku kala dhaqan Wadamada Yurub gaar ahaan kuwa iskaandaneefiyaanka, waxaana shirka ajandaha lagu saaray sidii jaaliyadda ay uga qeyb qaadan lahaayeen hormarka deegaanadooda iyo wax u qabashada shacabkooda ay saameysay Abaarta.

Ka qeyb galayaasha ayaa shirka ka aqriyey sida ku haboon ee ay u saacidi karaan Shacabka ku dhaqan deegaanada ay abaarta ka jirto, waxaana ay qaateen inay door fir fircoona ka qaataan u gargaaridda dadkooda oo indhaha ay ka laabteen hey’adaha samafalka sheegta.

Intii uu socday kulanka ayaa waxay bogaadiyeen hogaanka Maamulka deegaanka iyo Taliska Ciidamaa Beesha ee dhabarka u ritey inay deegaanadooda ka difaacaan Mooryaan xoog ku haaysta Beeraha iyo koox diimeed caadiyeysatay dhica hantida Shacabka iyo daadinta dhiigooda.

Waxay dhinaca kale hambalyo u dieen Jaaliyadaha Beesha Biimaal ee ku kala nool Wadamada Sacuudiga iyo Mareekanka oo qeyb lixaad leh kaga jiro in deeganada Beesha laga xoreeyo kuwo kusoo duulay iyo ka qeyb qaadashada u gurmashada dadka danta yar.

Gabagabadii kulanka ayaa waxa lagu dhaliilay siyaasiyiinta xilka ku guntaday magaca Beesha iyo dayaca ay kula kaceen shacabka magacooda ay kuraasta ku hleen oo meel kasta lagala dagaalamay iyadoo inta badan laga mamnuucay Nolosha iyo hormarka.

Jaaliyadda ayaa soo saaray qodobo ay kaga hadalayaan siday ugu xunyihiin dhibaatada sii baaheysa ee ka jirta deeganada ay kasoo jeedaa oo aanay jirin Maamul Goboleed iyo dowlad oo ka gurmada dhibaatada jirta.

La soco Sawiro iyo Wareysiyo la xiriira Shirka Jaaliyadda Beesha Biimaal ee Dalka Sweden

ISHA WARARKA HAREERLEY.COM

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE