Kooxda Alshabaab Oo Dad Ay Ku Eedeeyeen Dabiyo Kala Duwan Ku Toogtay Gobolka Jubada Dhexe

Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla magaalada Bu’aale ee Gobolka jubada dhexe ku toogtay ilaa seddax qof oo ay ku eedeeyeen inay galeen dambiyo ka hor imaanaya siday hadalka u dhigeena shareecada islaamka.

Goob fagaare ah oo ku taalla degmada Bu’aale oo ay joogeen Boqolaal dadweyneah ayaa xukunka dadka lasoo eedeeyey waxa kaga dhawaaqay horjoogaha Maxakada Gobolada jubbooyinka.

Laba Eedeysane oo ka mid ah seddaxda qof ayaa wuxuu ku eedeeyey in ay sameeyeen fal qoomu-luudnima ah (isku galmoodka dadka isku jisniga ah) islamarkaana ay maleeshiyada kooxda soo qabteen iyagoo falkaasi ku jira.

Waxaa uu sheegay horjoogaha Maxkamada xukunka labadaasi qof oo lagu kala magacaabo Isxaaq Abshirow oo 20 jir ah iyo C/risaaq Shiikh Cali oo 15 in ay u bandhigeen Shareecada sida uu tilmaamay ka dibna ay ku filyeen xukun toogasha ah.

Dhinaca kale isla goobtaasi waxa xukun toogasho ah lagu fuliyey Nin kale oo lagu magacaabo Saciid Max’ed Cali oo ay ku eedeeyeen in uu jaajuus u ahaa Ciidamada Itoobiya islamarkaana lagu tawabaray Magaalada Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran