Maamulka Gobolada Dhexe Ee Kooxda Ahlusnnah Oo Soo Doortay Baarlamaan Iyo Gudoomiyahiisa

Maamulka Gobolada dhexe ee kooxda Ahlusunnah ayaa shir ay ku qabteen magaalada Dhuusamareeb ku doortay Baarlamaan cusub.

Baarlamaankan cusub oo tiradiisu gaareyso 63 xildhibaan ayaa looga dhawaaqay deegaanada Maamulka kooxda Ahlusunnah, waxaana la sheegayaa in ay doorteen Ergooyin iyo Odayaal.

Baarlamaankan ayaa ka kooban Saraakiil Ciidan, xubno ka tirsan kooxda, bahda warfaafinta ee Maamulka iyo dad kaloo caadi ah kuwaas oo hada kusoo biiray siyaasadda.

Maamulka Ahlu sunnah ayaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Ahlusunnah, Sheekh Saadaq Sheekh Yuusuf Direed oo ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenada kooxda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran