Qeybtii Labaad Wareysi Lala Yeeshay Cali Dheere Oo Su’aalo Qal qal Geliyey Lagu Weydiiyey (Video)

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Qaybtii Labaad  Waraysi uu Wariyaha Al-jazeera Hamsa Maxamed uu  la yeeshay Afahayeenka Al-shabaab Cali dheere oo Su’aalo kulul lagu waydiiyey.

Waxaa wax laga waydiiyey sababta ay Kenya marka ay Weerarka ka Gaysanayaan ay Muslimiinta iyo Gaalada u kala saaraan, Balse Soomaaliya ay dadka oo Muslimiin ah ugu dilaan ?  sidoo kale waxaa wax laga waydiiyey Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dabka lagu shidayo, Heshiishkii Horey uga dhexeeyay Kenya iyo Al-shabaab intii ayna Soo gelin Soomaaliya ?.

Waxaa la waydiiyey inay Heshiis la Furayaan Dawlada Soomaaliya iyo Maamulada dalka ? Wuxuuna uga Jawaabay Nin Xor ah ayaa Heshiis lala Furaa, waxay ku dhaceen Gaalnimo iyo Rido, Waxaa u furan inay kasoo Noqdaan Dariiqii ay ku gaaloobeen, Anaga Dariiq kale Noogama Furna”  Ayuu yiri.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open