Taliska AMISOM Oo Qalab Caafimaad Gaarsiiyey Isbitaalka Magaalada Baydhabo Oo Lagu Dabiibayo Bukaano Kala Duwan (Sawiro)

Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qalab caafimaad waxay gaarsiiyeen Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.

Isbitaalka Baydhaba oo iminka ay jiifaan bukaano gaaraya ilaa 150 oo la il daran Cudurka Shuban biyoodka ayaa Taliska AMISOM waxa ay gaarsiiyeen Daawooyin iyo Teendhooyin loogu talagalay in dadka la jiifiyo bukaanada ay ka buuxsameen sariiraha qolalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee taliska ku leh magaalada Baydhaba ayaa ka jwaaabay baaq kasoo yeeray howlwadeenada Caafimaad ee Isbitaalka Baydhabo oo ay ku qeyla dhaamiyeen in ay ka dhamaadeen dawooyinkii ay ku dabiibi lahaayeen bukaanada.

Madaxda Maamulka Koonfur galbeed oo uu hareeyey fashil siyaasadeed iyo maamul xumo ayaa ku mashquulsan doorashada Madaxtinimada dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran