Deg Deg War Goor Dhow Oo Naga Soo Gaaray Hoolka Golaha Shacaba Iyo Musharax Doorashada Isaga Haray

Wararka ka imaanaya Hoolka shirarka ee xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho aya asheegaya in laga yaabo in tartanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu isaga haro mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada.

C.rashiid Maxamed Xidig oo loo saadaalinayey in uu ku guuleysan karo doorashada ayaa la sheegayaa in uu ka hari rabo tartanka waxaana jiro dhowr sababood oo meesha ka saaraya musharaxnimadiisa.

Sababaha ugu weyn ee uu isku casilayo ayaa lasoo sheegayaa iney tahay kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid beesha uu kasoo jeedo.

Sidoo kale Xidig ayaa la fahansan yahay inuu lumiyay isbahaysigii uu kula jiray xildhibaanada beelaha Hawiye, Raxanweyn iyo Dir, kuwaas oo ku taageerayay xilkaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open