Deg Deg Xildhibaan Jawaari Oo Ku Guuleystay Tartana Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka

Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wuxuu ku guuleystay tartanka doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya.

Gudoomiyii hore ee Baarlamaanka oo tartan adag la galay Xildhibaan C.rashiid Maxamed Xidig ayaa wareegii kooowaad ee tartanka ku adkaaday, iyadoo ay socdaan tirintii codadka ayaa xildhibaan jawaari wuxuu helay codadkii laga rabay ee uu ku guuleysan lahaa.

Natiijada hordhaca ayaa muujisey in Prof Jawaari uu helay in ka badan 130 cod oo laga doonayey in uu helo si uu ugu guuleysto doorashada wareega hore.

Intaan lagu dhawaaqin natiijada codadka ayaa waxa hal mar buuq iyo sawaxan is qabsaday Xildhibaanada markii ay hubiyeen in tartanaka ay guusha raacday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE