Dhageyso Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galguduud

Dagaal culus oo u dhexeeyey labo Maleyshiyo Beeleed ayaa Maanta Galintii danbe ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ku saabsan dagaalka Degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay khsaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inta la ogyahay shan qof ayaa ku geeriyooday halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale, Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maanta Degmada Caabudwaaq lagu dilay nin ka mid ah dadka deegaanka.

Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa Caawa laga dareemayaa Xiisad dagaal oo u dhexeysa Labadii Maleyshiyo Beeleed ee Maanta  ku dagaalamay iyadoo xiisadani dib usoo cusbooneysiisay colaad bilooyinkii lasoo dhaafay ka taagneyd.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran