Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Oo Taariikh Cusub Ka Dhigay Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Doorasho adag oo maanta ka dhacday magaalada xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Magaalada Muqdisho oo uu ku guuleystay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa doorashadaas waxay dhigtay Taariikh Cusub.

Iyadoo tartanka ugu adag uu ka dhaxeeyey Guuleyste Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaan C.rashiid Maxamed Xidig ayaa wareegii koowaad ee tartanka waxa kusoo baxay Prof Jawaari oo helay 141 cod oo ah in ka badan intii laga sugaayey.

Doorashadan ayaa noqotay mid taariikhda ka gashay Soomaaliya, iyadoo la arki jirey doorashooyinkii hore in lagu kala adkaado wareegyada ugu dambeeya, oo leyla gaari jirey mid seddaxaad ama mid labaad oo markaas oo musharaciinta ay kala bixi jireen.

Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa soo xaadirtay xildhibaano gaaraya 159 Mudane waxaaana Mudanayaasha ay codadka ugu kala guuleysteen sida hoos ku cad.

1-Prof. Max’ed Cismaan Jawaari 141-Cod

2-C/rashiid Max’ed Xidig 97-cod

3-C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geesey) 17-cod

4-Idiris Aadan Dhakhtar 2-cod.

halka laba cod ay halaabeen

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open