Maamulka Puntland Oo Soo Bandhigay Hub Iyo Gaadiid Ay Kala Wareegeen Kooxda Daacish (Sawir)

Ciidamada Maamulka Goboleedka Puntland oo dhawaan dagaal kula wareegay magaalada Qandala ee Bari ayaa waxay soo bandhigeen hub iyo Gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen kooxda Daacish.

Ciidamada oo dhulka iyo badda ka weeraray Qandala ayaa dagaal maalmo socday ka dib waxa u suuragashay inay qabsadaan fariisimiyaashii ay maamulayeen Maleeshiyada kooxda Daacish.

Magaalada Qandala ayaa muddo 45 cisha ah maamulayey magaaladan qadiimiga ah, iyadoo dagaal ay kula wareegtay, waxaana inta badan xilligaaas ka guurey shacabkii degenaa oo daafaha magaalada nolosha maciin biday.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa safar dhinaca badda ah ku tagay Qandala iyadoo halkaas ay kusoo dhaweeyeen Ciidamada iyo Shacabka deegaanka oo ay uga dhigantahay in markii ugu horeysay ay magaalada kusoo dhaweeyaan madaxda Maamulka.

Mid ka mid ah xarumaha Ciidamada ayaa waxa lagu soo bandhigay hub, saand milateri iyo gaadiid dagaal oo sida la sheegay lagala wareegay kooxda Daacish.

o

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open