Madaxweynaha Xilka Kasii Degaya Ee Dalka Mareekanka Oo Khudbadii Ugu Dambeysay Jeediyey Isagoo Ilmeenaya (Video)

Madaxweynaha Maraykanka oo maalmuhu oga hareen xafiiska Barack Hussein Obama ayaa qudbadii ugu danbeysay jeediyey, wuxuu ka hadlay guulihii uu gaadhay, wuxuu sheegay inuu waydaaranayo dad iyo dal mideysan, wuxuu sheegay inuu dhisay cudud dhaqaale, aqoon iyo siyaasadda debeda oo hagaagsan.

Wuxuu ka sheekeyeey guulaha uu gaaray ayadoo kolkii uu qabanaayey xukaunka sanadkii 2008 dalku ku jirey jaha wareer dhaqaale, Waxa joogey goobta kumanaan ruux, waxa kale oo banaanka iyo wadooyinka tubnaa boqolaal kale.

Dadku waxay ku dhawaqaayeen “Four more Year, Four More years” oo ah afar sano oo kale, Afar sano oo kale”’… Wuxuu yiri” ma awoodo”’.

Wuxuu amaanay dadkii la shaqeeyey sida ku xigeenkiisa Biden iyo xaaskiisa Micheal oo uu sheegay inay yihiin tiirarkiisii.

Qudbadan ayuu ka jeediyey magaalada Chicago oo ah halkii uu noloshiisa wanaagsan ka bilaabay siyaasadana ka bilaabay, wuxuu la ilmeeyey amaanta xaaskiisa iyo gabadhihiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE