Musharaxiinta U Taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Ee Soomaaliya ayaa Maanta Shir Jaraad’id Ku Qabtay Magaalada Muqdisho (Video)

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Waxaa maanta kulan ku yeeshay Mushariixinta u taagan qabashada Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Maxamed C.laahi Farmaajo oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in madaxwayne Xasan sheekh uu Hareer maray Howlihii uu balan qaaday, Wuxuuna sheegay in Hantidii Dawlada loo adeegsanayo Doorashada, Iyadoo Ciidankii iyo Shaqaalihii Dawladu aysan Mushahar qaadan.

Cali Maxamed Geedi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Fashil xoogan ay Soomaaliya Food saartay Afartii sano ee lasoo dhaafay, Wuxuuna Umada Soomaaliyeed ugu baaqay inayna Hantidooda iska gelin Goobaha dadwaynaha ee laga iibiyey.

Ugu Danbayntii Waxay soo saareen Go’aano ka kooban Kulamadii u socday Mushariixin gaaraya 18 oo la baxay Isbadal doonka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE