Qaban-qaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Oo Ka Socota Xarunta Golaha Shacabka Ee Muqdisho

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka ka socota Qaban-qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan Musharixiinta kala ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, C/rashiid Maxamed Xidig, C/fataax Maxamed Ibraahim Geeseey iyo Dr Idiris Cabdi Dakhtar.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana saaka xiran qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinka soo gala xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhacayso Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadan maanta dhici doonta ayaa saadaal sax ah waxay ka bixin doontaa cidda kusoo baxeysa doorashada Madaxweynaha oo weli aan go’aan laga gaarin xilliga ay qabsoomeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran