Qiimaha Lagu Kala Iibsanayo Codadka Xildhibaanada Oo Ku Dhow Nus Milyan Oo Doolar

Iyadoo la maraayo saacadihii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa kor u kacay qiimaha lagu kala iibsanayo codadka xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa sacadihii lasoo dhaafay kordhiyey qiimaha ay ku bixinayaan codkooda iyadoo doorashadan lagu sheegay mid aad u adag oo musharaxiinta ay ku doonayaan inay ugu guueystaan xilka.

Qiimaha hada uu maraayo codka xildhibaanka ayaa gaaraya ilaa $400, ooo (afar boqol kun oo doolar), waxaana laga yaabaa in wareegyada xiga kan koowaad uu kor u kaco qiimaha lagu ala iibsanyo codka.

Waxaa jirta saadaalin la sameynayo oo ah in wareega labaad loo gudbi doono doorashada maanta ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana aad loo hadal hayaa inay usoo gudbi karaan Jawaari iyo xidig, walow ay dhici karaan waxyaabo lama filaan ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open