Soomaaligii Ugu Horeeyay Oo Wasiir Ka Noqday Wadanka Canada (Video)

Axmed Xussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu Golahiisa Wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Axmed Xussen ku badalay Wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Axmed ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala Baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii, Wuxuu markaasi kasoo galay Baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran