Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saake Xiran, Iyadoo Ciidamo Dheeraad Ah Lagu Wadooyinka (Sawiro)

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Nabad Sugida iyo Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka si weyn u Sugaya Nabadgalyada Magaalada Muqdisho.

Wadooyin dhowr ah oo ka mid ah Caasimadda Muqdisho ayaa saaka waxaa loo diidayaa Gaadiidka waxaana taagan Ciidamo aad u feejigan,Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa saaka lugtooda Maalaya si ay u gaaraan Goobahooda Ganacsi iyo Waxbarasho.

Waxaa saaka haawanaya wadooyin badan oo ku yaalla Degmooyinka,Waaberi,Xamar Jajab,Xamar Weyne,Boondheere,Shangaani iyo Hawl-wadaag ee Magaalada Muqdisho sababo la xiriira Doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo Maanta loo ballansan yahay iney ka dhacdo Xarunta Golaha Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE