Gudoomiye Kuxigeenada 1aad iyo 2aad Ee Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Federalka Oo La Doortay (Akhriso)

Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey doorashada gudoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka waxaa ku guulaystay Cabdiweli Sheekh Muudeey oo helay 166 cod halka musharixii la tartamayay oo ahaa Faarax Sheekh C/qaadir uu helay 90 cod halka 1 codna uu xumaaday.

Dhanka kale, Musharax Mahad Cabdala Cawad ayaa ku guulaystay xilka gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federalka, wuxuuna Mahad helay 171 cod halka musharixii la tartamay oo ahaa Wasiir C/qaadir Sheekh Baqdaadi uu helay 84 cod.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran