Dhageyso Falanqeyn Ku Saabsan Dib Usoo Doorashada Laba Ka Mid Ah Gudoonkii Hore Ee Baarlamaanka

Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ku doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxa soo baxaya aragtiyo kala duwan oo ay doorashada ka qabaan dib usoo doorashada laba ka mid ah Gudoonkii hore.

Afyare Cabdi Cilmi oo bare ka ah jaamacad ku taalla dalka Qadar ayaa falan qeyn ku sameeyey doorashada Gudoonka cusub ee baarlamaanka Fedaraalka.

Baraha Jaamacadda ayaa sheegay in aragtida bulshada Soomaaliyeed ay tahay mid ku hami weyn in isbedel siyaasadeed uu ka dhaqan galo Soomaaliya, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ay talada dalka hayeen koox lagu xagliyo inay awoodii dalka Maroorsadtay.

Waxa uu tilmamaay in bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta uu gacanta ugu jiro go’aanka doorashada ay iska khilaafsanyihiin dhinaca isbedelka raadinta maadaama ay dib usoo doorteen laba ka mid ah Gudoonkii hore ee Baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open