Dhageyso Xildhibaan Faarax Sheekh C.qaadir Oo Cafis U Direy Soomaalida Siyaasaddiisa Dhaliisha

Xildhibaan Faarax Sh C.qaadir oo ka mid ahaa Musharixiintii looga adkaaday Doorashada Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu la shaqayn doono Gudoonka cusub ee Baarlamaanka loo doortay.

Xildhibaan Faarax Sh C/qaadir oo lagu xanto inuu saaxiib dhow layahay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in cid walba oo isaga wax ka sheegtay uu cafiyey Adduun & Aakhiraba,Wuxuuna  dhanka kale tilmaamay  inuu la wadaagi doono Gudoonka cusub ee Baarlamaanka wixii Talo,Qorshe,Fikir iyo Awood ee uu hayo.

Xildhibaan Faarax ayaa horumar iyo guul u rajeeyey dalka Soomaaliya,Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay soo gabagabeeyey Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka & Ku xigeenadiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran