Faafaahinno Kasoo Baxaya Kooxo Hubeysan Oo Magaalada Muqdisho Ku Toogtay Askari

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in caawa kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada dowlada.

Toogashada oo ay geysteen kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa waxay ka dhacday Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, garaa ahaan xaafada macmacaanka waxaana faafaahinno ay kasoo baxayaan qaabka uu dilka u dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay dileen Nin askari ah oo ku hubeysnaa qori hase ahaatee aan wadan wax darees Ciidan, waxaana la sheegayaa in kooxihii hubeysnaa ay horey u qaateen qorigii uu watay, ka dib ay goobta isaga baxsadeen.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran