Madaxweynihii Hore Ee Puntland C/raxmaan Faroole Oo Ugu Baaqay Ganacsatada Muqdisho Inay Xalaaleystaan Hantidooda

C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa  sheegay in hantida ugu badan ee Soomaaliya ay taallo caasimada dalka ee Muqdisho, sababta loogu ordayana Xamar ay tahay dhaqaalahaasi yaal.

Faroole ayaa shaki geliyay xalaal ahaanshaha hantida iyo lacagta taalla Xamar ee ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay xalaaleeyaan hantida ay leeyihiin si kastaba haku timaadee,  kuna xalaaloowi karto in ay kala bar ugu tabarucaan dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ah murashaxiinta tartanka u gelaya xilka madaxweynaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE