Shirkad Israel Leedahay Oo Qaadatay Qandaraaska Darbiga Kenya Ay Ka Dhiseyso Xuduudda Ay La Wadaagto Soomaaliya

Xukuumadda dalka Kenya ayaa biloowdey dhismaha darbigii mudada la hadal hayay ee ay ka dhiseysey xudduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ku kacaysa lacag badan.

Dhirirka Xuduudda waxa ay gaareysaa 700 Kilometer, waxaana halkii kiilo mitirĀ  lagu dhisayaa lacag dhan $26 malyan oo dollar.

Darbigan waxaa loo adeegsanayaa dhismahiisa qalab isugu jiro dhagax shub ah iyo biro aanan jab iyo duleel lahayn, waxaana lagu rakibayaa Silig koronto leh oo noolihii taabtaa qabaneyso maaso.

Sidoo kale waxaa la dhigayaa ciidamo waardiye ka ah xuduudda(border control troops) kuwaasooo ku hubeysan hub iyo qalab casri ah oo lagula dagaalamaayo socdaalada sharci darrada ah ee ka imaanayo dhanka Soomaaliya, waa sida ay ku warameen saraakiil ku howlan dhismaha darbigan.

Shirkad laga leeyahay Israel oo lagu magacaabo Magal Security Systems Ltd isla markaasina milkiyadeeda uu leeyahay nin lagu magacaabaa Saar Koursh.

shirkaddan laga leeyahay Israel ayaa waxay horey u dhistey darbiga ku wareegsan marinka Gasa ee reer Falastiin, halkaasi oo ay ku rakibanyihiin qalab casri ah oo looga hortagayo in la iskaga kala goosho dhulka Israel haysto iyo Gaza.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open