C/kariin Xuseen Guuleed Oo Laga Diiday Xilka Qaadis Uu Sameeyey Iyo Xaaladda Galmudug Oo Meel Xun Mareysa

Wasiirkii Arimaha Gudhaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid xil ka qaadis uu ku sameeyey Madaxweynaha xilka laga tuurey ee C.kariin Xuseen Guuleed.

Jaamac Xasan Salaad oo xilka laga qaaday ayaa sheegay in Madaxweynaha warqadiisa aanay wafaaqsaneyn sharciga, waxaana uu intaa hadalkiisa ku daray in aan si sharci loo marin xilka laga qaaday ee loogu magacaabay qof kale.

Warqad kasoo baxday Xafiiska C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xilka waxa looga qaaday Wasirka Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Xayir Nuur, iyadoo hada xil ka qaadistaasi uu muran ka yimid.

Maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Cadaado ayaa waxa hareeyey khilaafaad xoogan, waxaana laga yaabaa in dib u dhac ay ku yimaadaan shaqoooyinka Maamulka, iyadoo sidoo kale laga yaabo muranka xaga hogaanka Maamulka uu sii socdo.

Wasiirka xilka qaadista lagu sameeyey ayaa lagu eedeeyey in uu ka mid ahaa Wasiirada iyo xildhibaanada ku kacsan C.kariin oo la kulmaya Guul darooyin siyaasadeed, iyadoo hada ay xaalada kusii adkaatay arkii Baarlamaanka Maamulkiisa ay kalsoonida kala laabtee.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open