Dhageyso C/fataax Geesey Oo Shariif Xasan Ku Eedeeyey Dayaca Shacabka Koonfur galbeed

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa eedeyn usoo jeediyey Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sh Aadan.

Xildhibaan C/fataax Geeseey oo ka hadlayey Abaaraha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Abaarta wuxuuna  sheegay in la dayacay dadka Abaaruhu Saameeyeen isagoona  tilmaamay in hogaamiye Shariif uu dayacay Masuuliyadiisa,Wuxuuna ku taageeray eeda ay usoo jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka K/galbeed Golaha Wasiirada.

Waxaa isa soo taraya Eedeymaha loosoo jeedinayo Madaxweynaha Maamuka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan oo ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne ee  Doorashada Soomaaliya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open