Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Oo Kala Direy Madaxda Madasha, Islamarkaana Beeniyey….

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka fedaraalka oo maalmo ka hor lagu soo doorat Magaaada Muqdisho ayaa war kasoo saaray hogaamiyeyaasha Madasha Wadatshiga. War uu soo saaray Gudoomiye Jawaari ayuu ku shaki ku geliyey sharci ahaanshaha shaqada hogaamieyaasha Madasha marba ahdii la doortay Baarlamaanka iyo hogaankiisa.

Qoraalka oo uu ku baahiyey bartiisa Tuwitterka ayuu ku beeniyey war ay maalintii shalay soo saareen Madaxda isku sheegtay hogaamiyeyaasha Madasha oo ay kaga hadleen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Galmudug oo xilka ka tuurey C/kariin Xuseen Guuleed.

Jawaari ayaa sidoo kale beeniyey in uu ka qeyb qaatay shirka la sheegay in uu qadka Taleefanka ku dhex maray Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Madaxda dowlada ee waqtigoodu dhamaaday, shirkaas oo looga hadlaayey xaalada Galmudug.

Gudoomiyaha weli aan xilka la wareegin ee Baarlamaanka Fedaraalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u muuqda mid ka dhabeyn raba isbedelka siysaadaeed ee lala damacsanyahay hogaanka dalka Soomaaliya.

Qoraalkan kasoo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinaca kale muujinaya in aanay isku siyaasad aheyn isaga iyo kooxda Madaxtooyada, waxaana inta badan Jawaari Gudoomiye Jawaari lagu xagliyaa inuu garba u ahaa Xasan Sheekh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran