Horjooge Ka Tirsanaa Alshabaab Oo Lagu Toogtay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay

Saraakiisha Amniga Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay iney dileen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Amniga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Xasan Cabdi Haajir ayaa sheegay iney Tuulada Raaxoole oo 47-KM u jirta Degmada Diinsoor  ku dileen Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka.

Xasan Cabdi Haajir ayaa sheegay in Sarkaalka ka tirsan Al-shabaab lagu gubay Gaarigiisa, wuxuuna wacad ku maray iney sii laba jibaarayaan hawlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab ilaa inta ay ka sifaynayaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Sarkaalka ayaan sheegin sida uu u dhacay howlgalka lagu dilay horjoogaha shabaab hase ahaatee waxa uu muujiyey in gaari uu saarnaa lagu gubay, mana jiraan wax faafaahinno intaasi dheeri ah oo ay saraakiisha bixiyeen.

Horjoogayaasha Alshabaab ee qaabilsan aruurinta xoolaha ay ku sheegaan Zakawaadka ayaa inta badan dhubaato ku haaya dadka xoola dhaqata, waxaana deeganada qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya xoola dhaqato iyo kooxda Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open