Ciidamo Cusub Oo Tawabar Loogu Soo Xirey Xerada Tawabarka Ciidanka Ganaraal Dhega Badan Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Ciidamo cusub oo ka tirsan kuwo dowlada ayaa tawabar loogu soo xirey Xerada Tawabarka Ciidanka ee Ganaraal dhega badan (Ex jaziira) ee magaalada Muqdisho.

Tawabarkan Ciidan oo ay maal geliyeen Midowga Yurub ayaa waxa lagu baranayey cilmi ay ka mid yihiin isticmaalka hubka fudud, ka hor tagga Miinooyinka iyo sida leysaga caabiyo weerarada kediska ah ee mararka qaar lagu soo qaado.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in si wanaagsan ay uga faa’ideysteen Cilmigii ay qaadanayeen, waxaana Ciidanka sida ugu dhaqsiyabada looga howlgelin doonaa deeganada ay dhibaatada ka hayaan Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Inta badan waxa tawabaro loosoo xiraa Ciidamo ka tirsan kuwo dowlada, hase ahaatee waxba sooma kordhiyaan markii ay ka baxaan xerooyinka iyagoo ku kaca falal ay dhibsadaan bulshada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open