Dhageyso Gudoomiye Jawaari Oo Dacwad Ka Ah Shakhsiyaad Magaciisa Ku Isticmaala Baraha Xiriirka Bulshada

Gudoomiyaha Cusub ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay arimaha la xiriir isticmaalka aaladaha xiriirka bulshada.

Jawaari ayaa sheegay in aanu isticmaalin baraha ay ku kulmaan bulshada sida Facebook iyo twitter oo lasoo dhigo qoraalo looga hadlayo siyaasadda Soomaaliya, isagoo arinkaas ku eedeeyey dad magaciisa ku qaraabnaya.

Waxa uu sheegay in xogheyntiisa uu ku amray in ay dacwad ka gudbiyaan shakhsiyaadkaasi isagoo dhanka kale sheegay in shirkadaha Facebooka iyo twitter si baaritana loogu sameeyo dadka magaciisa wax ku dhibaateenaya

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE