Dhageyso R/wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Baaq U Direy Baarlamaanka Fedaraalka

R/wasaarihii  hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iney ka taliyaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Dr Saacid ayaa sheegay in xiligan oo dalku uu ku jiro Marxalad Siyaasadeed iyo Doorasho isla markaane la marayo waqti Xasaasi ah looga baahan yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay si miyir ah oo dagan Codkooda u dhiibtaan.

Saacid ayaa sheegay in sida ay codkooda u dhiibtaan Xildhibaanada Baarlamaanka uu u ekaan doono Masiirka Umadda Soomaaliyeed,wuxuuna kula dardaarmay Mudanayaasha Baarlamaanka iney ka fekeraan cida ay u dooranayaan hogaanka dalka si aan hadhoow looga qoomamayn sida uu hadalka u dhigay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE