Dhageyso Wiil Uu Dhalay Gudoomiyaha Alshabaab Ee Deegaanka Moqokori Oo Lagu Toogtay Xabsi Ku Yaalla Maxaas

Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Xabsiga Dhexe ee Degmadaasi lagu dilay Wiil uu dhalay Gudoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Degmada Muqakori ee Gobolka Hiiraan.

Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Degmada Maxaas waxaana la sheegay inuu toogasho ku dilay mid kamid ah Ciidamo deegaanka ah oo la sheegay in walaalkiis ay Al-shabaab ku dileen deegaanka Muqakori.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Maxaas Bishaar Faarax Darandoori ayaa xaqiijiyey dhacdadaasi wuxuuna sheegay iney ka xun yihiin in gudaha Xabsiga dhexe ee Degmada lagu toogto qof kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE