Everton Oo Soo Ceebaysay Man City, Rajadii Koobka Premier Leaque-ga Ee Sky Blues Oo Dhulka Ku Dhacday Iyo Guardiola Oo Waji Gabax Kala Soo Laabtay Goodinson Park

Manchester City ayaa ceeb wayn kala soo laabtay Goodinson Parka kadib markii ay kooxda Everton si xun u soo xasquuqday wilasha Guardiola oo markale dhulka iskaga riday rajadii ay ka lahayaeen koobka Premier Leaque-ga. Everton ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kala hortimid Manchester City waxayna 4:0 bilaa jawaab ah ku soo dhufteen kooxda Guardiola oo awoodi wayday in ay xataa hal mar shabaqa Everton gaadho.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Everton XI (3-4-3): Joel; Holgate, Williams, Funes Mori; Coleman, Davies, Barry, Baines; Barkley, Lukaku, Mirallas.

Kaydka: Stekelenburg, Jagielka, McCarthy, Schneiderlin, Lennon, Lookman, Valencia.

Manchester City XI (4-2-3-1): Bravo; Sagna, Otamendi, Stones, Clichy; Zabaleta, Toure; Silva, De Bruyne, Sterling; Aguero.

Kaydka:Caballero, Kolarov, Garcia, Delph, Sane, Navas, Iheanacho.

Kooxaha Everton iyo Manchester City ayaa Goodinson Park ku soo bandhigay ciyaar la jeclaystay daawashadeed isla markanaa ayna labada kooxood wax taxadar fulaynimo ah muujin waxayna si joogto ah u ciyaarayeen kubbad weerar iyo weerar celis ah iyada oo labada kooxoodba ay abuurayeen fursado tiro badan oo ciyaarta xiiso gaar ah u yeelayay.

Manchester City ayaa qaybtii h–e ee kulankan ahayd kooxda inta ugu badan kubbada haysay isla markaana fursadaha ugu badan abuurtay, laakiin haddaba Everton ayaa ahayd kooxda natiijo ahaan gacanta sare ku lahayd iyada oo kooxda Ronald Koeman ay muujisay isku duubni iyo wada shaqayn cajiib ah.

DAQIIQADII 34 AAD GOOOOOOOOOL! Everton ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii iyo fursad lumintii labada kooxood kadib markii weerar cajiib ah oo ay Everton soo qaaday uu  Romelu Lukaku uu ku dhaliyay gool qurux badan oo Claudio Bravo iyo difaaciisa Sky Blues uu ku kala dhantaalay, waxaana si layaableh Yaya Toure u soo garaacay xidiga goolkan caawintiisa sameeyay Kevin Mirallas , waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Everton hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 37 AAD Manchester City ayaa lumisay fursadii ugu cajiib sanayd ee ay ciyaarta ugu soo laaban kartay iyada oo De Bruyne uu kubbad hadiyad ah soo hormariyay goolka Everton, laakiin si lama filaan ah ayuu Sergio Aguero u awoodi waayay in kaliya uu kubbada xariiqda goolka dhaafiyo!!!!.

DAQIIQADII 38 AAD Raheem Sterling ayaa ugu dhawaaday inuu Man City u keeno goolka barbaraha laakiin darbo gantaal ahayd oo uu ku tuuray goolka Everton ayaa birta wax yar u martay. Sidoo kae David Silva ayaa lumiyay fursad aan caadi ahayn kadib markii uu Kevin De Bruyne kubbad dilaa ah uu kaga helay xerada ganaaxa Everton.

Weerarka deg dega ahaa ee ay soo bandhigtay Everton iyo wada shaqaynta ay sameeyeen kooxda Toffees ayaa ahayd mid Manchester City walwal wayn ku ahayd isla markaana ay fursado badan ku abuureen. Kevin Mirallas, Lukaku iyo Barnley ayaa nooc kasta oo dhibaato ah ku abuurayay difaaca City waxayna qaybtii h–e ku dhamaatay 1:0 ay Everton hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Everton soo laabtay iyada oo doonaysay in ay halkeedii ka sii wado dadaalkii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigtay qaybtii h–e halka Manchester City uu hadafkeeda ugu wayni ahaa in ay ugu horayn hesho goolka barbaraha.

DAQIIQADII 47 AAD GOOOOOOOOOOOL! Everton ayay laba daqiiqo oo kaliya ku qaadatay in ay hesho goolkeeda labaad si ay kalsooni ugu sii hesho hogaankii ay la soo nasatay, waxaana difaaca Sky Blues markale ceebeeyay Kevin Mirallas kaas oo markiisa caawin fiican ka helay  Ross Barkley, laakiin Yaya Toure ayaa sidii goolkii furitaanka qalad ku lahaa goolka labaad ee Everton isaga oo booskiisa lumiyay, waxaana sidoo fashilmay John Stones iyo asxaabtiisa difaaca waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Everton hogaanka ciyaarta ku sii dheeraysatay.

Claudio Bravo ayaa 12 gool looga dhaliyay 20 kii darbo ee ugu danbeeyay ee goolkiisa lagu tuuray wuxuuna muujiyay sida uu xili ciyaareedkan ugu liito in uu kooxdiisa ka badbaadiyo fursadaha goolasha cadaanka ah lagu dhalin karo. Laakiin goolhayaha dhinaca kale garoonka ka joogay ee Joel Robles ayaa si wayn kooxdiisa Everton ciyaarta ugu ilaalinayay.

DAQIIQADII 62 AAD Guardiola ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyarta ka saaray Pablo Javier Zabaleta oo khadka dhexe kulankan ka ciayarayay wuxuuna safka weerarkiisa ku soo xoojiyay da’yarka Kelechi Promise Iheanacho.

Dhinaca kale xidiga bandhiga fiican sameeyay isla markaana goolka labad dhaliyay isla markaana caawinta goolka furitaanka sameeyay ee Kevin Mirallas ayuu dhaawac soo gaadhay inkasta oo uu awooday in uu woxogaa ciyaarta sii wadan karo waxaana lagu soo badalay saxiixa cusub ee Morgan Schneiderlin kaas oo dhawaan Man United ka soo wareegay.

DAQIIQADII 79 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Everton ayaa si rasmi ah Manchester City jilbaha dhulka ugu dhigtay kadib markii da’yarka Tom Davies uu goolka saddexaad ugu quus gooyay kooxda Guardiola wuxuuna dhaliyay goolka niyadjabka ee Manchester City ay shidaalka ku goosatay isaga caawin ka helay  Ross Barkley oo markii labaad sameeyay gool caawin intii ay ciyaartu socotay waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Everton ciyaarta hurdada ugu dirtay.

DAQIIQADII 90+4 AAD GOOOOOOOOOOOL! Saxiixa cusub ee  Ademola Lookman ayay riyo u ahayd in uu gool ka dhaliy kulankiisii ugu horeeyay Everton wuxuuna Manchester City ku sii kordhiyay ceebta ay kala soo laabteen kulankan wuxuuna  Ademola Lookman caawin ka helay Séamus Coleman waxayna ciyaartu ku dhamaatay 4:0 ay Everton ku soo xaaqday kooxda Manchester City oo hal mar awoodi waydya in ay shabaqa Everton gaadho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE