Kooxaha Man United & Liverpool Oo Markale Dhibcaha Qaybsaday, Ibrahimovic Oo Guuldaro Ka Badbaadiyay Mourinho, Xili Labada Kooxoodba Lumiyeen Dhibco Muhiim U Ahaa

Manchester United iyo Liverpool iska lumiyay dhibco muhiim ah balse Reds oo ugu dhawaatay in ay saddexda dhibcood ka soo qaadato Red Devils ayaa awoodi wayday in ay sideedii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeeyay natiijada ilaashato. Liverpool ayaa 7 dhibcood hoos uga dhacday hogaanka Premier leaque-ga ee ay Chelsea hayso halka Man United ay kaalinta lixaad sii fadhiyi doonto.

Warka ugu waynaa ee kulankan ka hor la maqlay ayaa ahaa in FIFA ay Liverpool ku qasabtay in Joe Matip ay ka saarto kooxdeeda wajahaysay Manchester United kadib markii xidiga ree Cameroon uu dhexda ugu jiray dagaal kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Cemeroon u dhexeeyay isla markaana uu sheegay in uu xili horeba ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiistay. Waxa kale oo warka kale ee ugu wayni uu ahaa in Klopp uu booska Anthony Martail ka hor keenay wiilka kulankiisii ugu horeeyay ee Premier leaque-ga ku soo bilawday ee  Trent Alexander-Arnold.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester United XI (4-3-3): De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Darmian; Herrera, Carrick, Pogba; Mkhitaryan, Ibrahimovic, Martial.

Kaydka:Romero, Blind, Smalling, Fellaini, Mata, Rashford, Rooney.

Liverpool XI (4-3-3): Mignolet; Alexander-Arnold, Lovren, Klavan, Milner; Wijnaldum, Henderson, Can; Firmino, Lallana, Origi

Kaydka:Karius, Moreno, Ejaria, Stewart, Gomez, Coutinho, Sturridge.

DAQIIQADII 27 AAD REKOODHE! Liverpool ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay kula iman lahayd goolka furitaanka kulankan kadib markii Pual Pogba uu kooxdiisa Manchester United dhibaato u horseeday isaga oo awoodi waayay in uu gacantiisa ka laabto kubbad koorne ay Liverpool ka soo tuuratay isla markaana uu Lovern hiigsanayay wuxuuna xidiga ree France garsooraha u diiday wax kala doorasho ah oo aan ka ahayn in uu rekoodhe tilmaamo.

DAQIIQADII 28 AAD GOOOOOOOOOOOL! James Milner ayaa sidii caadada u ahayd kubbada qaatay isla markaana awooday in uu garaaco David De Gea wuxuuna Milner kooxdiisa Reds u dhaliyay goolka ay sida wayn ugu baahnayd si ay dardarta Manchester United u joojiso wuxuuna Milner ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Reds hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Waxa uu ahaa rekoodhihii lixaad ee uu xili ciyaareedkan James Milner u tuuray kooxdiisa Liverpool isaga oo sii wata rekoodhkiisa cajiibka ah ee uu dhamaan rekoodhayaashii uu soo tuuray goolal ugu badalay. Jose Mourinho ayaa si wayn uga cadhooday in kooxdiisu ay samaysay qalad wayn oo natiijada ciyaarta wax ka badalay.

DAQIIQADII 33 AAD Manchester United ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda barbaraha kadib markii uu Ibrahimovic kubbad laaga xorta ah oo galtaal ah uu ku tuuray goolka Liverpool laakin jawaab celinta goolhaye Simon Mignolet ayaa ahayd mid waabisay kubbada shabaqa kooxdiisa gali lahayd waxayna kubbadu u soo booday si xawli ah.

Manchester United ayaa wax kasta u samaysay in ay la timaado goolka barbaraha ka hor inta ayna qaybtii h–e ee kulankani dhamaan laakiin Liverpool ayaa muujisay adkaysi badan iyada oo Mignolet u door wayn ku lahaa in Liverpool ay sii ilaashato natijada fiican ee ay haysatay.

DAQIIQADII 41 AAD Mkhitaryan ayaa iska lumiyay fursad dahabi ah oo uu kooxdiisa ugu keeni lahaa goolka barbaraha kadib markii ay si fiican iskugu soo xidhmeen Herrera laakiin xidiga ree Armenia ayaa darbadiisa si toos ah ugu toogtay Mignolet kaas oo si fiican kubbada isaga qabtay.

Liverpool ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay natiijada ciyaarta u xejisan lahayd isla markaana ay u raadin lahayd goolkeeda labaad ee kalsoonida balse labada kooxood ayaa awoodi waayay in wax goolal kale ah ay kala dhaliyaan qaybtii h–e ee ciyaarta waxaana lagu kala nastay 1:0 ay Reds hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii laysku soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Liverpool markiiba heshay fursad fiican kadib markii uu Firmino kubbad halis ah u bixiyay Origi laakiin kubbada ayaa ku dhamaatay in ay koorne u baxday, wuxuuna Mourinho shaxdiisa ku sameeyay isbadal isaga oo kaydka uga yeedhay Wayne Rooney wuxuuna ciyaarta ka saaray  Michael Carrick.

DAQIIQADII 55 AAD Manchester United ayaa ugu dhawaatay markale in ay hesho goolkeeda barbaraha kadib markii uu Martail ka soo baxsaday da’yarka ku dheganaa ee Alexander-Arnold waxayna isku xidhmeen Ibrahimovic laakiin Mkhitaryan ayaa markale lumiyay fursad ay kooxdiisu aad ugu baanayd in uu gool ku dhaliyo laakiin waxay noqotay fursad kale oo luntay.

DAQIIQADII 61 AAD Klopp ayaa kaydka  uga yeedhay kubbad sameeyihiisa Philippe Coutinho wuxuuna ciyaarta ka saaray Divock Origi laakiin waxaa cajiib noqotay in hal daqiiqo wax ka yar uu Coutinho ayaa saamaynta gool laabad ee Liverpool samayn gaadhay wuxuuna fursad halis ah u abuuray Firmino kaas oo tijaabiyay De Gea balse waxay iyaduna noqotay fursad kale oo la lumiyay!!.

DAQIIQADII 65 AAD Mourinho ayaa sameeyay badalkiisa labaad wuxuuna ciyaarta ka saaray Anthony Martial oo awoodi waayay in uu  dhaafo da’yarka kulankiisii ugu horeeyay shaxda Reds ku soo bilawday ee Alexander-Arnold  waxaana lagu soo badalay Juan Manuel Mata.

Xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid cajiib ah iyada oo labada kooxoodba ay si wayn ugu dagaalamayeen natiijada ciyaarta laakin Coutinho ayaa weerarka Liverpool awood badan ku soo kordhiyay halka Manchester United ay awoodeeda iskugu gaysay sidii ay shabaqa Reds ku gaadhi lahayd.

DAQIIQADII 70 AAD Kabtanka Manchester United ee Wayne Rooney ayaa qalad 50/50 ah ku galay James Milner taas oo keentay in kabtan ku xigeenka Liverpool uu dhulka la galo xanuun badan oo canqawga ka soo gaadhay laakiin daawayn kadib Milner ayaa awooday in uu garoonka dib ugu soo laabto basle garsooraha ayaan wax kaadh ah siin Rooney.

DAQIIQDAII 75 AAD Mourinho ayaa badalkiisii ugu danbeeyay isticmaalay wuxuuna kaydka uga yeedhay Marouane Fellaini wuxuuna ciyaarta ka saaray Matteo Darmian. Mourinho ayaa doonayay in Marouane Fellaini uu khadka dhexe xoojin u noqdo isla markaana uu kubbada dhaadheer uga faa’iideeyo. Markan ayay Liverpool fursado fiican abuuraysay isla markaana tan iyo markii uu Coutinho soo galay ayay culayskii iska yaraysay.

DAQIIQADII 84 AAD GOOOOOOOOOOOL! Ugu danbayn Manchester United ayaa la timid goolka barbaraha ee waqtiga dheer ku qaatay waxaana xalka Red Devils noqday Zlatan Ibrahimovic kaas oo ka faa’iidaystay kubbada goolka Liverpool ay labada dhinac kaga soo kala karooseen Rooney oo hal abuurka lahaa ee iyo Valencia oo caawinta goolkan sameeyay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah iyada oo lix daqiiqo iyo waqti dheeriga ahi hadhsan tahay.

DAQIIQADII 90+3 Wijnaldum ayaa helay fursadii uu ugu cajiibsanayd ee uu Liverpool ugu keeni lahaa goolka guusha kadib markii Firmino iyo Coutinho ay soo kala dhantaaleen difaaca United laakiin waxay Man Untied u mahad celinaysaa in De Gea uu goolka ugu jiray isla markaana uu sameeyay badbaadin guuldaro ay kaga badbaaday.

Ugu danbayn kulan lagu raaxaystay isla markaana ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican ayay dhibcaha ku qaybsadeen Old Traffrod iyada oo Ibrahimovic uu kooxdiisa Red Devils guuldaro ka badbaadiyay, waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1:1 ah.

Liverpool ayaa kaalinta labaad la wadaagta Tottenham waxayna wada leeyihiin min 45 dhibcood halka Manchester United ay wali baaqi kusii ahaan doonto kaalinta 6 aad iyda oo waliba 2 dhibcood ka sii hoosaysa kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City oo ceeb kala soo laabtay Everton.

by Mohamoud Batalaale

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE