Kooxo Hubeysana Oo Magaalada Muqdisho Ku Toogtay Ganacsade Caan Ah

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in la kooxo hubeysan ay toogtay mid ka mid ah Ganacsatada caanka ah ee Magaalada.

Dilkan oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Maalin taajir ayaa la sheegayaa in loo geystay mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa, waxaana dilkan geystay kooxo ku hubeysan Bistoolado.

Dad goob joogayaal ah oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay laba wiil oo ku hubeysan Bistoolado ay toogteen Nin Ganacsatada, markii ay dilka geyteen ayey isaga baxsadeen goobta, mana jirin cid daba gashay kooxaha gacan ku dhiiglayaasha ah.

Ninkan Ganacsatada ah ee la dilay ayaa wararka qaar waxaay sheegayaan in dhawaan uu ka badbaaday isku day dil ka dib markii gaari uu watay lagu soo xirey waxyaala qarxa hase ahaatee, aanu kasoo gaarin waxyeelo, isagoom maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha.

Xilliyada qaar ayaa magaalada Muqdisho waxa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto dad kala udwan sida Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad Shacab ah, iyadoo dilalka ay udhacaan qaabab kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE